Macallin Solskjaer oo u sheegay Xiddigihiisa Man United inay ka fiican yihiin Kooxdii Ferguson ee 1999-kii Saddexleeyda Koobabka ah ku guuleysatay!

(Manchester) 05 Sebt 2021. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u sheegay Xiddigihiisa Manchester United inay ka fiican yihiin Kooxdii United ee sanadkii 1999-kii ee Saddexleeyda koobabka ah ku guuleysatay, taasoo ninka reer Norway uu qeyb ka ahaa.

Red Devils ayaa ku soo darsatay xagaagan Raphael Varane, Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo kooxdii 12-ka dhibcood ka dambeysay Manchester City oo ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ronaldo oo ku soo laabtay garoonka  Old Trafford kaddib 12-sanadood oo uu ka maqnaa, markii uu aaday Kooxda Real Madrid, kaddibna uga sii gudbisay Juventus oo laacibka shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Balon D’Or uu cel-celis ahaan ku dhaliyey 30 gool oo horyaalka ah labadii sanadood oo uu ku sugnaa Kooxda Talyaaniga.

Manchester United Transfer Period Evaluation and Schedule: Ole Gunnar Solskjaer Business Evaluation - London News Time

Sida uu warinayo Wargeyska The Sun, Solskjaer ayaa u sheegay xiddigaha haatan ee Kooxdiisa Man United in saxiixa Ronaldo oo 36-sano jir ah uu yahay mid ka dhigaya inay ugu cad-cadyihiin hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Tababaraha reer Norway uu ciyaaryahanka kaliya ee saameyn la mid ah Ronaldo lihi uu yahay Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku, kaasoo horraantii xagaagan 98 milyan oo gini ay dib ugula soo saxiixay Blues.

Solskjaer ayaa qeyb ka ahaa Kooxdii Man United ee uu watay tababare Sir Alex Ferguson, kuwaasoo ku guuleystay 22 sanadood ka hor saddexleeydii koobabka ee kala ahaa; Premier League, Champions League iyo FA Cup.

Macallin Solskjaer ayaa ololahaas waxa uu magaciisa ku qoray 18 gool, isagoo qeyb ka ahaa xiddigihii uu adeegsanayey Ferguson, halka sidoo kale kal ciyaareedkaas ay Dwight Yorke iyo Andy Cole kala dhaliyeen 29 gool iyo 24 gool.

Si kastaba ha noqotee, Macallin Ole waxa uu u sheegay xiddigaha haatan ee Kooxdiisa Man United inay ka fiican yihiin safkii Sir Alex Ferguson ee sanadkii 1999-kii ku guuleystay saddexleeyda Koobabka ah, sida laga soo xigtay Wargeyska The Sun.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close