Liverpool oo Kooxaha Man United, Man City & Chelsea kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Declan Rice

(Liverpool) 04 Sebt 2021. Kooxaha Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa dhammaantood xiiseynaya saxiixa laacibka khadka dhexe ee West Ham United, Declan Rice sida wararku ay sheegayaan.

22-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu isaga tagi doono garoonka London Stadium suuqii kala iibsiga xididgaha ee xagaaga, kaasoo dhowaan la soo gabagabeeyey, laakiin waxa uu iska joogay West Ham, waxaana uu ka caawiyey inay todobo dhibcood ka helaan saddexdoodii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League.

Si kastaba ha noqotee, warar xan ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in aysan u badnayn inay meesha ka bixi doonaan wararkaas sheegaya inuu bixi doono, waxaana laga yaabaa in Kooxda Hammers ay ku guuldarreysato inay sii haysato Rice kaddib bandhigga cajiibka ah ee uu sameynayo kal ciyaareedkan.

Warsidaha 90min ayaa warinaya in Rice uu xilli ciyaareedkan uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee West Ham, maadaama ay xiiseynayaan labada kooxood ee ka wada dhisan Magaalada Manchester oo lagu daray Liverpool iyo kooxdiisii hore ee Chelsea.

Rice ayaa kulankiisii 25-aad u ciyaaray xulka qaranka England kulankii ay habeen hore 4-0 kaga adkaadeen Hungary.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close