RASMI: Nuno Espirito Santo oo hoggaaminaya Tababareyaasha u sharraxan abaal-marinta macallinka bisha Agoosto ugu fiicnaa horyaalka Premier League

(London) 02 Sept 2021. Waxaa la shaaciyey liiska tababareyaasha u sharraxan abaal-marinta macallinka bishii Agoosto ugu fiicnaa horyaalka Premier League, waxaana hoggaaminaya Macallin Nuno Espirito Santo.

Nuno Espirito Santo iyo David Moyes ayaa labaduba u sharraxan abaal-marinta macallinka bishii Agoosto ugu fiicnaa horyaalka Premier League, kaddib markii ay bandhig wacan ku bilowdeen Kooxahooda xilli ciyaareedka 2021/22.

Nuno ayaa saddex guul oo xiriir ah ku hoggaamiyey Kooxdiisa Spurs saddexdoodii kulan ee ugu horreeyey fasal ciyaareedkan horyaalka, waxaana ay haatan hoggaanka u hayaan horyaalka Premier League, waana Kooxda kaliya ee rikoor 100% ah ku bilaabatay kal ciyaareedkan.

Dhinaca kale Macallinka West Ham ee Moyes oo kooxdiisu fadhiso kaalinta labaad kaddib markii ay labo gool iyo hal barbaro la yimaadeen ayaa isaguna ka mid ah musharraxiinta.

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel iyo Macallinka cusub ee Kooxda Everton Rafa Benitez ayaa dhammaystiraya musharraxiinta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close