RASMI: Ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey.. (Man Utd & Chelsea oo xiddigo ku leh)

(London) 02 Sebt 2021. Waxaa la shaaciyey ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha Agoosto ugu fiicnaa horyaalka Premier League, iyadoo labo ka mid ah ay ku leedahay Kooxda West Ham United.

Labada ciyaaryahan ee kooxda West Ham, Michail Antonio iyo Said Benrahma ayaa ka soo muuqday liiska xiddigaha lixda ah ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha ee horyaalka Premier league.

Xiddigahaan labada ah ayaa fure u ahaa guulihii Kooxda West Ham ay ka gaartay Newcastle iyo Leicester, ciyaaryahan Antonio ayaa haatan afar gool dhaliyey saddex caawinna ku qoray magaciisa, halka Benrahma uu shabaqiisa gool ka ilaashaday kulammadaas.

Ciyaartoyda kale ee sharraxan waxaa ka mid ah xiddiga Kooxda Chelsea ee Marcos Alonso, midka Tottenham ee Eric Dier, Weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood iyo Demarai Gray oo ka tirsan Everton.

Alonso ayaa waqti wacan ku qaadanaya Chelsea, halka Mason Greenwood uu soo jiitay indhaha daawadata Premier League kaddib markii uu gool dhalinayey mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ay Man Utd ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda.

Liiska xiddigaha musharraxiinta ah oo dhammaystiran:-

Marcos Alonso

Michail Antonio

Said Benrahma

Eric Dier

Demarai Gray

Mason Greenwood

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close