Lambarka uu Antoine Griezmann u xiran doono Kooxda Atletico Madrid oo la shaaciyey

(Madrid) 02 Sebt 2021. Waxaa la shaaciyey lambarka uu Antoine Griezmann u xiran doono Kooxda Atletico Madrid oo uu dib ugu laabtay.

Weeraryahanka reer France ayaa isaga tagay Barcelona saacadihii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan, waxaana uu dib ugu laabtay Kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Griezmann ayaa ku dhawaaqay inuu xiran doono lambarka 8-aad ee Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain.

30-sano jirkaan Griezmann ayaa dib ugu soo laabtay kooxdii uu diiqa ka ahaa ee Atletico Madrid, waxaana uu u qaadan doonaa lambarka 8-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close