Kooxda Barcelona oo dalab heshiis kordhin ah hordhigaysa Ousmane Dembele

(Barcelona) 02 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay dalab heshiis kordhin ah hordhigeyso Weeraryahankeeda Ousmane Dembele.

Warsidaha RAC ayaa warinaya in Ousmane Dembele uu dalab heshiis cusbooneysiin ah ka helay Kooxdiisa Barcelona.

Weeraryahanka ayaa weli dhaawac ah tan iyo ciyaarihii Euro 2020, laakiin weli wuxuu helayaa dalab qandaraas kordhin ah oo la qorsheeyay inuu qabsoomo bishaan.

Ousmane Dembele ayaa loo soo bandhigi doonaa heshiis cusbooneysiin Kooxda Barcelona bishaan kaddib bixitaankii Lionel Messi iyo Antoine Griezmann suuqii xagaagan, sida laga soo xigtay Warsidaha RAC.

Waxa uu weli ka soo kabsadanaa Dembele dhaawac muruqa ka soo gaaray isagoo ka mid ah xulkiisa qaranka Faransiiska bishii June, laakiin kooxdiisa ayaa sida muuqata aad u doonaysa inay hubiso inuu sii joogo xiddigan kal ciyaareedkan, waxaana ay doonayaan inay heshiis cusub ka saxiixdaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close