Xiddigaha u yimid iyo kuwa ka tagay kooxda Liverpool, xilli xalay suuqa kala iibsiga irdaha loo laabay

(Liverpool) 01 Sebt 2021. Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa la soo gabogabeeyey waqti dambe oo xalay ah, waxaana si fiican suuqa uga dukaameystay Kooxaha horyaalka Premier League.

Suuqa kala iibsiga ayaa irdaha loo laabay saqdii dhexe ee xalay, haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa xiddigaha ay kooxda tababare Klopp ee Liverpool la soo saxiixatay xagaagan iyo kuwa ay iska dirtay.

Xagaagan waxa ay la soo wareegay Reds suuqa kala wareegay kaliya hal xiddig waana Ibrahima Konate oo ay ka soo qaateen Kooxda RB Leipzig.

Xiddigaha ay la saxiixatay kooxda Liverpool & Qiimaha ay ku soo qaadatay:-

Ibrahima Konate (RB Leipzig, £36m)

Xiddigaha ka tagay kooxda Liverpool:-

Harry Wilson (Fulham, £12m)

Marko Grujic (Porto, £10.5m)

Xherdan Shaqiri (Lyon, £9.5m)

Kamil Grabara (Copenhagen, £3m)

Georginio Wijnaldum (PSG, beeca xorta ah)

Joe Hardy (Accrington Stanley, beeca xorta ah)

Ben Davies (Sheffield United, amaah)

Sepp van den Berg (Preston, amaah)

Adam Lewis (Livingston, amaah)

Leighton Clarkson (Blackburn, amaah)

Paul Glatzel (Tranmere, amaah)

Ben Woodburn (Hearts, amaah)

Jakub Ojrzynski (Caernarfon Town, amaah)

Kamil Grabara (Copenhagen, qiimo aan la shaacin)

Liam Millar (Basel, qiimo aan la shaacin)

Taiwo Awoniyi (Union Berlin, qiimo aan la shaacin)

Liam Coyle (la fasaxay)

Joe Hardy (la fasaxay)

Abdi Sharif (la fasaxay)

Jack Walls (la fasaxay)

Rhys Williams (Swansea, amaah)

Sheyi Ojo (Millwall, amaah)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close