RASMI: Real Madrid oo ku dhawaaqday inay la saxiixatay Eduardo Camavinga

(Madrid) 31 Agoosto 2021. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday caawa inay la soo saxiixatay xiddiga reer France iyo kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga.

Los Blancos ayaa boggeeda “Twitter-ka” waxay soo dhigtay muuqaal ah oo ay ku soo dhaweynayso Eduardo Camavinga.

Real Madrid ayaa waxay bayaan rasmi ah ku shaacisay in xiddiga reer France iyo kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga ay ka saxiixatay heshiis socon doono ilaa June 2027.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in qiimaha heshiiska Camavinga uu ku kacay 31 million euros.

18 jirkaan ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa guddiga maamulka Real Madrid tan iyo 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close