RASMI: Leeds United oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Daniel James

(Leeds) 31 Agoosto 2021. Leeds United ayaa ku faraxsan inay xaqiijiso saxiixa Daniel James oo kaga soo biiray kooxda Manchester United.

Leeds United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay xiddiga reer Wales iyo kooxda Manchester United ee Daniel James.

Naadiga Leeds United ma aysan shaacin faahfaahinta maaliyadeed ee heshiiska, laakiin warbixinada qaar ayaa waxay sheegayaan in Red Devils ay ku iibisay Daniel James qiimo dhan 28 million euros.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Wales Daniel James ayaa u saxiixay kooxdiisa cusub ee Leeds United qandaraas shan sano ah, kaasoo socon doona ilaa xagaaga 2026.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close