RASMI: Kooxda Juventus oo ku dhawaaqday inay la soo wareegtay Moise Kean

(Turin) 31 Agoosto 2021. Xilli lagu guda jiro maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga xiddigaha ayaa kooxda kubadda cagta Juventus waxa ay xaqiijisay inay la soo wareegtay Moise Kean.

Juventus ayaa heshiis amaah ah ku qaadatay Moise Kean, kaasoo kaga soo dhaqaaqay Kooxda Everton ee dhinaca horyaalka Premier League.

Kooxda Marwada duqda ah ayaa suuqa ka baadi goobaysay saxiixa Weeraryahan kaddib markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo oo ku biiray Naadiga Manchester United.

Juve waxa ay Kean dib ugala soo wareegtay Everton oo ay ka iibisay sanadkii 2019-kii, heshiiska ay haatan kooxda ka dhisan Turin kula soo wareegtay Moise Kean ayaa ah labo sano oo amaah horudhac ah ka hor inta aysan si rasmi ah ugu wada iibsan sanadka 2023-ka adduun dhan 17 milyan oo gini.

Moise Kean ayaa noqonaya saxiixii saddexaad ee ay Kooxda Juventus ka samayso suuqa xagaagan, kaddib Kiao Jorge iyo Manuel Locatelli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close