Chelsea oo heshiis kala gaartay kooxda Atletico Madrid saxiixa Saúl Ñíguez

(London) 31 Agoosto 2021. Kooxda Chelsea ayaa dhammaystirtay faahfaahinta heshiiska ay la gashay Atletico Madrid ee ku saabsan helitaanka adeega xiddiga khadka dhexe reer Spain ee Saúl Ñíguez.

Saúl Ñíguez ayaa ku imaan doona Chelsea qaab amaah ah, kaasoo ku kici doona ilaa 5 million euros, oo ay dooq u heysato inay si toos ah u iibsato dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in Saúl uu dhowaan imaan doono London si uu u saxiixo heshiiska.

Sky Sports ayaa xaqiijisay warkan, waxayna daaha ka qaaday in dooqa iibsiga, oo uu si joogto ah ugu wareegi doono Saúl Ñíguez kooxda Chelsea dhammaadka xilli ciyaareedkan uu ku kici doono qiimo dhan 35 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close