Barcelona oo heshiis kala gaartay kooxda Atletico Madrid inay dib u ceshato Antoine Griezmann

(Barcelona) 31 Agoosto 2021. Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta heshiiska uu dib ugu laabanayo Antoine Griezmann kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, kahor dhammaadkii suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Fabrizio Romano ayaa wuxuu soo dhigay boggiisa Twitter –ka:

“Antoine Griezmann wuxuu ku laabanayaa Atletico Madrid, waxaana heshiis lala gaaray Barcelona.”

“Ku biiritaanka Griezmann waxay noqon doontaa qaab amaah ah ilaa iyo June 2022, iyada oo ay jirto dooq uu si toos ah ugu wareegi karo, kaasoo ku kacaya adduun dhan 40 million euro.”

“Griezmann wuxuu la gaaray Atletico Madrid heshiis laba sano ah, iyada oo uu dooq u heysto inuu ku darro sanad kale oo saddexaad.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close