Arsenal oo xaqiijisay bixitaanka Willian… (Kooxdee ayuu ku biiri doonaa xiddiga reer Brazil?)

(London) 31 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xaqiijisay xalay in Willian uu ka tagi doono, isla markaana uu ku biiri doono naadiga Corinthians.

Garablaha reer Brazil ee Willian, kaasoo Gunners kaga soo biiray Chelsea 12 bilood ka hor ayaa heshiiska haatan ee Arsenal waxaa uga harsanaa labado sanadood oo kale.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday xalay in heshiiskii ay ku wada jireen 33-sano jirkaan la kansalay.

Kooxda Gunners ayaana warbixinteeda intaa ku dartay: “Kaddib wadahadallo wax ku ool ah oo dhowaan ay yeesheen isaga iyo kooxdaba, waa uu tagi doonaa si uu fursad cusub uga helo Naadiga Corinthians ee dalka Brazil, halkaasoo uu xirfaddiisa ciyaareed ka soo bilaabay.”

Willian ayaa 37 kulan u saftay kooxda ka dhisan Waqooyiga Magaalada London xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close