Van der Sar oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu dib ugu laabtay Cristiano Ronaldo kooxda Man United

(Manchester) 27 Agoosto 2021. Goolhayaha halyeeyga ah reer Holland iyo kooxda Manchester United ee Edwin van der Sar ayaa u dabaal degay warka ku saabsan ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee garoonka Old Trafford.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa saacado kahor xaqiijisay inay dib u soo ceshatay Weeraryahankeedii hore ee Cristiano Ronaldo oo ka soo dhaqaaqaya Juventus.

Edwin van der Sar oo 130 kulan u saftay xulka qaranka Netherlands, ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib dib ugu soo laabashada Ronaldo ee garoonka Old Trafford ayaa wuxuu yiri:

“Dareenkeyga taageere Manchester United ahaan warka ku saabsan dib u soo laabashada Ronaldo? waxay ii ahayd riyo, laakiin marnaba maan filayn inay dhici doonto, ku soo dhawoow Manchester, Cristiano.”

Dib u soo laabashada Cristiano Ronaldo ee kooxda kubadda cagta Manchester United, waxay khibrad weyn ku soo kordhineysaa shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close