RASMI: Real Madrid oo qandaraaska u kordhisay xiddigeeda reer Brazil ee Casemiro… (Imise sano ayuu saxiixay?)

(Madrid) 27 Agoosto 2021. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah inay qandaraaska u kordhisay mid ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah.

Laacibka reer Brazil ee Casemiro ayaa u saxiixay kooxdiisa Real Madrid heshiis ku sii heyn doono ilaa iyo xagaaga 2025.

Bayaan rasmi ah ee ka soo baxay kooxda Real Madrid ayaa lagu sheegay:

“Kooxda iyo Casemiro waxay ku heshiiyeen in qandaraaska la kordhiyo, si ciyaaryahanka uu nala sii joogo 4 -ta xilli ciyaareed ee soo socda, illaa 30 -ka June 2025-ka.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale dhawaan ku guulaysatay inay cusboonaysiiso heshiisyada Karim Benzema, Fede Valverde iyo Dani Carvajal.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay ku jirto kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyadoo leh 4 dhibcood kaddib labadii kulan ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan.

Official: Casemiro renews Real Madrid contract until 2025 | Marca

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close