Mareykanka oo hay’adda FIFA Foundation gaarsiiyay lacag faro badan oo uu kaga ceyminayo musuq-maasuq lagu kala kacay xiriika kubadda cagta dunida ee FIFA iyo qaar ka mid ah xiriirrada hoos taga

(Zurich) 25 Agoosto 2021. Waaxda u qaabilsan Caddaaladda dalka Mareykanka ayaa hay’adda FIFA Foundation ku wareejisay lacag gaareysa 201 milyan oo doolar oo u dhiganta qiyaas ahaan 171 milyan oo euro taasoo lagu ceyminayo khasaaraha uu musuq-maasuqa gaarsiiyay xiriirrada FIFA, CONMEBOL iyo Concacaf kaddib markii maamullada xiriirradaas ay lunsadeen lacag tiro badan tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Lacagta la lunsaday ayaa laga xaday koontooyinka saraakiil hore oo ka shaqeynayay kubadda cagta, balse lacagta uu haatan Mareykanka bixinayo waxay si toos ah u aadi doonta qasnadda dhowaan la sameeyay ee World Football Remission Fund taasoo loogu talo galay in lagu caawiyo dhaqaalaha ku baxaya mashruucyada kubadda cagta la xiriira ee sida wanaagsan u saameynaya guud ahaan bulshooyinka dunida.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta FIFA ee Gianni Infantino ayaa ka hadlay dhaqaalaha kasoo galay Mareykanka waxaana uu yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in lacagtii sharci darrada uga baxday kubadda cagta ay haatan kusoo laabaneyso iyadoo loo isticmaali doono ujeeddo qumman sida ay doorka koowaad u lahaydba”.

Sidoo kale, Mudane Infantino ayaa uga mahad celiyay dowladda Mareykanka gaar ahaan Waaxda Caddaaladda sida deg degga ah ee ay uga soo gaadhay caawinta hirgelinta mashaariicda kubadda cagta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close