“Kylian Mbappe wuxuu doonayaa inuu ka tago PSG, laakiin Kooxda Real Madrid…) – Leonardo

(Paris) 25 Agoosto 2021. Leonardo ayaa xaqiijiyey in Kylian Mbappe uu doonayo inuu ka tago Kooxda PSG, laakiin waxa uu dhanka kale xusay in Real Madrid ay ku dhaqmayso sharci darro.

Kylian Mbappe waxa uu doonayaa inuu ka tago Paris Saint-Germain, laakiin Real Madrid waxa ay ku dhaqamaysaa sharaci darro marka loo eego baacsiga ay ugu jiro Weeraryahankan, waxaa sidaas laga soo xigtay Agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda reer France ee Leonardo.

Leonardo ayaa u sheegay RMC Sport: “Kylian Mbappé waxa uu doonayaa inuu tago, taasi waxa ay u muuqataa mid cad… Haddii uu doonayo inuu tago, ma joojin doonno isaga, laakiin waxaan kula jirnaa shuruudaheenna.

“Real Madrid sidan ayay u dhaqmaysay laba sano, waa khalad, xitaa sharci darro, maxaa yeelay waxay la xiriireen ciyaaryahanka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close