Kane mise Ronaldo? Midkee ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Manchester City?

(Manchester) 25 Agoosto 2021. Naadiga Manchester City ayaa wajaheysa kala doorasho ku aaddan saxiixyada xiddigaha weerarka ka ciyaara ee Harry Kane oo ka tirsan Tottenham Hotspur iyo laacibka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inuu Kane yahay bartilmaameedka koowaad ee naadiga Man City inkastoo ay soo baxayaan warar kooxda Ingiriiska ah la xiriirinaya saxiixa xiddiga Bianconeri.

Citizens ayaa horraan dalabyo ka gudbisay weeraryahanka Spurs, balse maadaama uu saddex sano ka harsan yahay qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa, waxay ku adkeysaneysaa inaysan iibin gooldhaliyaheeda.

Majaladda Goal ayaa fahansan in kooxda Manchester City ay heleyso soo jeedinno badan oo ku aaddan inay la saxiixato Ronaldo, waxaana shakiga ku hareersan mustaqbalka laacibkan uu kordhay markii kursiga keydka lagu soo bilaabay ciyaartii Juventus ay 2-2 la gashay Udinese toddobaadkan ciyaartii horyaalka Serie A.

Hase ahaatee, kooxda reer Taliyaani ayaa sheegtay inuusan u imaan wali dalab ku aaddan 36-sano jirka weerarka ka ciyaara, sidoo kale xiddigan ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono Turin xilli ciyaareedkan oo ah kii ugu dambeeyay qandaraaskiisa maadaama uu dhici doono xagaaga dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close