Paris Saint-Germain oo ay ku waajibtay inay Kylian Mbappe iska iibiso xagaagan… (Maxaa soo kordhay?)

(Paris) 24 Agoosto 2021Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa heysata fursad aad u kooban oo ay xagaagan ku ceshan karto xiddigeeda Kylian Mbappe iyadoo qarka u saaran inay ka iibiso Real Madrid inta ka harsan suuqan kala iibsiga kaddib markii uu laacibka weerarka ka ciyaara iska diiday yaboohii ugu dambeeyay ee qandaraas kordhin ah kaasoo ay PSG hanti badan u hurtay.

Raadiyaha fadhigiisu yahay Faransiiska ee RMC ayaa wariyay inay PSG usoo bandhigtay weeraryahanka Faransiiska qandaraas shan sano ah oo ay ku dooneysay inay kusii heysato xiddigan, hase ahaatee 22-sano jirka xawaaraha sarreeya ayaa iska diiday yaboohaas.

Kooxda ka dhisan Paris ma aysan dooneyn markii hore inay Mbappe iska iibiso balse diidmadii ugu dambeysay ee ku aaddan heshiis kordhintiisa ayaa ku dhoweyneysa inay laacibkan iska iibiso.

Qandaraaska xiddigan ee PSG ayaa dhici doona xagaaga dambe, waxaana uu xiiso badan ka helayaa naadiga Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, raadiyaha RMC ayaa daaha ka rogay in dalabkii ugu dambeeyay ee ka yimid naadiga Paris uu ku jiray in sanad lixaad lagu dari karo qandaraaska sidoo kalena ay sare ugu qaadeysay mushaharkiisa iyadoo u dhoweyneysa Lionel Messi iyo Neymar Jr oo ah labada xiddig ee ugu mushaharka sarreeya safka PSG.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close