Xilliga ay Manchester City soo bandhigeyso taallooyinka Kompany iyo Silva oo la shaaciyay… (+ Xilliga la sameyn doono tan Sergio Aguero)

(Manchester) 23 Agoosto 2021. Waxaa goor dhow bannaanka garoonka Etihad la dhigi doonaa taalooyinka haleeyada naadiga Manchester City ee kala ah Vincent Kompany iyo David Silva kuwaasoo qayb libaax leh ka qaatay horumarka ay City sameysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Naadiga Man City ayaa shaacisay in taalooyinkan oo uu sameeyay aartiistaha abaalmarinnada ku qaatay sameynta farshaxanka ee Andy Scott lagu soo bandhigi doono bannaanka garoonka ay kooxda ku ciyaarto kahor inta aanan la baasan ciyaarta Citizens ay soo dhoweyneyso Arsenal Sabtida soo aaddan ee ka tirsan horyaalka Premier League.

Sidoo kale, kooxda reer England ayaa qorshaha ku darsatay in sanadka dambe ay taalo saddexaad soo raaciyaan taasoo uu leeyahay Sergio Aguero oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Manchester City.

Silva iyo Kompany ayaa laf-dhabar u ahaa inay kooxda haatan difaacaneysa horyaalka Premier League noqoto mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan qaaradda Yurub iyagoo naadiga u wada ciyaaray 10 sano.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close