RASMI: Kooxda Bayern Munich oo heshiiska u kordhisay mid ka mid ah xiddigaheeda

(Munich) 23 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshiiska u kordhisay ciyaaryahankeeda Joshua Kimmich, waxaana ay ka saxiixatay qandaraas afar sanadood ah oo ku eg sanadka 2025-ka.

Joshua Kimmich ayaa haatan ballaariyey qandaraaska uu ku joogo Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, waxaana uu garoonka Allianz Arena sii joogi doonaa afar sanadood oo hor leh.

Image

Xiddigan xulka qaranka Jarmalka ayaa ka soo dhaqaaqay Kooxda RB Leipzig, waxaana Munich ay markaas ku soo qaadatay lacag rikoor jabis ah sanadkii 2015-kii.

Kimmich ayaa Kooxda Bayern Munich u saftay 264 kulan, waxaana uu u dhaliyey 30 gool.

26-sano jirkaan ayaa Kooxda Bayern Munich kula guuleystay lix horyaalka Bundesliga ah, saddex DFB Cup, hal Champions League, Shan DFL Supercup, sidoo kale waxa uu la hantay Koobka Kooxaha Adduunka ee Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close