“Qof kasta oo wajahaya Paris Saint-Germain dhibaato ayuu la kulmi doonaa.” – Donnarumma

(Paris) 23 Agoosto 2021. Goolhayaha kooxda Paris Saint-Germain ee Gianluigi Donnarumma ayaa ka warbixiyay go’aankii uu ugu biiray PSG, kaddib markii uu ka dhaqaaqay AC Milan.

Gianluigi Donnarumma ayaa xagaagan heshiis xor ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain, kaddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray Rossoneri.

Donnarumma ayaa wareysi uu ku bixiyay “Canal+” wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabaa inaan noqdo mid ka mid ah goolhayayaasha ugu wanaagsan adduunka, marka waa lagama maarmaan in nafta la huro si sidaas loo sameeyo.”

“Dhibaato ayaa ka jirta Paris sababa la xiriira xiddigaha oo aad ugu badan, tayo badan ayaa ka jirta kooxda, marka qof kasta oo wajahaya ciyaartoydan wuxuu la kulmi doonaa dhibaato.”

“Laakiin dhammaanteen waxaan dareemeynaa wanaag, waxaan nahay koox aad u fiican, waxaana sameyn doonaa sida ugu fiican si aan u helno xilli ciyaareed weyn.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close