Manchester City oo weli quusan la’ iyo Levy oo ku madax adeegaya Kane… (Markale iyo dalab kale)

(Manchester) 23 Agoosto 2021. Guddoomiyaha naadiga Tottenham Hotspur ee Daniel Levy ayaa wali ku adkeysanaya saxiixa Harry Kane iyadoo dhinaca kalena Manchester City diyaar u tahay inay markale isku daydo soo xero gelinta weeraryahanka reer England.

Wargeyska The Telegraph ayaa shaaciyay inay Citizens maalmaha soo aaddan diyaarineyso dalabkii ugu dambeeyay ee ay u bandhigeyso Spurs si ay kaga soo qaadato Kane xilli horaan laga soo diiday laba dalab oo uu midkii dambe ku kacayay 130 milyan oo gini.

Inkastoo ay Man City ku adkeysaneyso doonista Kabtanka xulka qaranka Ingiriiska, hadda Levy ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday in Kane uu ka sii mid ahaado Tottenham xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, 28-sano jirkan ayaa shalay u ciyaaray Spurs kulankiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan isagoo baddel kusoo galay ciyaartii ay Wolves kaga adkaadeen 1-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close