Heshiiska uu Erling Haaland kula jiro Borussia Dortmund oo war cusub laga soo sheegay & Kooxaha doonaya saxiixiisa oo fursad qaali ah heysta

(Dortmund) 23 Agoosto 2021. Xaaladda hadal heynta mustaqbalka Erling Haaland oo xagaagan ahayd mid deggan ayaa haatan lagu soo warramayaa inay soo laaban doonto kaddib markii la baahiyay xilliga uu dhaqan galayo qodobka heshiiskiisa ku jira ee sheegaya qiimaha lagu burburin karo qandaraaska uu kula jiro naadigiisa Borussia Dortmund.

Wakiilka Haaland ee Mino Raiola ayaa kula heshiiyay Dortmund bishii January ee 2020 xilligaas oo uu laacibka ku biiray Signal Iduna Park in uu laba xilli ciyaareed weeraryahanka u ciyaaro BVB kaddibna uu xor u noqdo inuu raadsado koox cusub laga bilaabo 1-da September ee sanadkan.

Sidoo kale qodobbadii lagu heshiiyay xilligaas ayaa waxaa ku jira in qandaraaska laacibka lagu jebin karo 64 milyan oo gini marka la gaaro bisha January ee 2022 taasoo inta badan kooxaha qaaradda Yurub siineysa fursad muhiim ah oo ay kula soo saxiixan karaan 21-sano jirka reer Norway.

Inta badan kooxaha Yurub ka dhisan ayaa awoodi waayay gacan ku dhigista adeegga Haaland sabab la xiriirta inay naadiga Jarmalka ah dul dhigtay lacago tiro badan, balse suuqa January ee soo aaddan ayaa la filayaa inuu xoogeysto loollanka loogu jiro saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close