Southampton oo taako u dhigtay kooxda Manchester United oo ku soo booqatay garoonka St. Mary’s… +SAWIRRO

(England) 22 Agoosto 2021. Kooxaha Southampton iyo Manchester United ayaa dhibaha ku qeybsaday garoonka St. Mary’s, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Fred, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

55 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Mason Greenwood oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pobga.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Southampton iyo Manchester United, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka St. Mary’s.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Ché Adams runs off with his arms out in celebration, with James Ward-Prowse and Moussa Djenepo alongside him and fans on their feet in the background.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close