Manchester United oo ka shaqeyneysa inay qandaraaska u kordhiso mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah

(Manchester) 22 Agoosto 2021. Naadiga Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay si aad ah ugu mashquulsan tahay inay qandaraaska u kordhiso xiddigeeda khadka dhexe ka ciyaara ee Bruno Fernandes kaasoo ay haatan doonayaan inay usoo bandhigaan heshiis cusub.

26-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed soo jiidasho leh kusoo bandhigay Old Trafford isagoo dhaliyay 43 gool sidoo kalena caawiyay 25 kale kaddib 81 ciyaar oo uu u saftay Red Devils tan iyo markii uu Sporting Lisbon kasoo dhaqaaqay bishii January ee sanadkii 2020.

Sidaas darteed, maamulka Manchester United ayaa ku dadaalaya sidii heshiis waqti dheer ah kaga saxiixan lahaayeen laacibka reer Portugal kaasoo udub dhexaad u ah safka Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Joornaaliistaha Taliyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay inay Man United ka shaqeyneysay inay xiddigan usoo bandhigto yabooh qandaraas kordhin ah tan iyo bishii July xilli haatan heshiiskiisu ay ka harsan yihiin afar sanadood sidoo kalena uu ku faraxsan yahay sii joogista kooxda 20-ka jeer hanatay horyaalka Premier League.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close