Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo sheegay in Manchester United aysan iibin doonin Paul Pogba

(Manchester) 22 Agoosto 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rumeysan inaysan iibin doonin ciyaaryahankooda Khadka dhexe ee Paul Pogba.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kalsooni weyn ku qaba in  Paul Pogba uu baaqi ku sii ahaan doono Manchester United marka uu xirmo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Macallinka reer Norway ayaa xusay in Kooxda Manchester United aysan qorshaha ugu jirin inay iibiso xiddiga reer France ee Pogba.

28-sano jirkaan khadka dhexe ka dheela ayaa waxaa aad u doon doonaya saxiixiisa kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo rabta inay xiddigan ka kaxayso garoonka Old Trafford.

Inkastoo Pogba uu qandaraaskiisa Man United haatan kaga harsan yahay wax ka yar hal sano haddana Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa rumeysan inaysa iibin doonin ku guuleystaha Koobka Adduunka sida lagu daabacay Goal.com.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close