Kaddib saxiixii Odegaard, Arsenal oo markale wada xaajood la bilawday Real Madrid si ay xiddig kale kaga soo qaadato

(London) 22 Agoosto 2021. Maamulka kooxda Arsenal ayaa sida lagu soo warramayo wada xaajood la bilaabay Real Madrid iyagoo markan kala xaajoonaya saxiixa Marco Asensio.

Illaa iyo labo sano ayaa ka harsan heshiiska uu laacibka garabka ka ciyaara kula jiro Los Blancos, waxaana sidaas darteed xiiseynaya qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan England sida Tottenham iyo Liverpool inkastoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay Gunners hor kaceyso loollanka loogu jiro saxiixiisa.

Sida laga soo xiganayo warbaahinta Todo Fichajes, Arsenal ayaa rajo wacan ka leh helitaanka Asensio kaasoo ay Real Madrid ku iibin karto 40 milyan oo euro.

25-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed liita la yimid tan iyo markii uu kasoo kabsaday dhaawac daran oo jilibka kasoo gaaray bartamihii 2019.

Si kastaba ha ahaatee, Asensio ayaa noqon kara xiddigii labaad ee ay Arsenal ka iibsato Real Madrid xagaagan iyadoo dhowaan 30 milyan oo gini kagala wareegtay Martin Odegaard.

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close