Horudhac: Southampton vs Manchester United… (Xog iyo xaqiiqo walba oo aad uga baahan tahay kulanka Red Devils ay u martineyso Saints)

(Southampton) 22 Agoosto 2021. Naadiga Manchester United ayaa ciyaarteeda labaad ee horyaalka Premier League la ciyaareysa naadiga Southampton oo ay maanta marti u tahay.

Jadon Sancho ayaa la filayaa inuu ciyaartiisa ugu horreysa ugu soo bilawdo naadiga Red Devils isagoo baddel kusoo galay kulankii Leeds United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 04:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: St. Mary’s Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha

Manchester United ayaa saacadaha ugu dambeeya qiimeyn doonta xaaladda xiddigeeda cusub ee Raphael Varane kaasoo dhowaan naadiga kaga soo biiray dhanka Real Madrid.

Sidoo kale Edinson Cavani ayaa la rajeynayaa inuu kulankan qayb ka noqdo maadaama uusoo dhammeystay maalmihii Karaantiilka xilli uu goor dhow kasoo laabtay dalkiisa Uruguay.

Dhinaca kale, Southampton ayaa welwel la’aan ka ah dhaawacyo cusub, se waxay weyn doontaa markale Sam McQueen iyo Will Smallbon.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Kulankii ugu dambeyay labadan kooxood waxaa 9-0 ku adkaaday Man United, waxayna guushaas ahayd tii saddexaad ee ugu weyneyd horyaalka Premier League iyadoo barbarreysay markii ay isla natiijadan kaga adkaatay Ipswich Town sanadkii 1995 iyo Leicester City oo iyaduna natiijadan oo kale ku garaacday isla Southampton.

Saints ayaa Man United garaacday kaliya hal jeer 13-kii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka oo ay garoonka St Mary’s, waxaasa soo gaaray siddeed guuldarro iyo afar barbarro.

Manchester United ayaa 35 dhibcood ka xoogtay Southampton iyadoo hoggaanka laga hayay, waana kooxda dhibcaha ugu badan marxaladdaas kaga qaadatay hal naadi.

Saints ayaa laga adkaaday 10 kulan oo Premier League ah marka ay goolka furitaanka ka dhaliso Man United.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:

Southampton : McCarthy; Walker-Peters, Bednarek, Salisu, Perraud; Armstrong, Ward-Prowse, Romeu, Djenepo; Armstrong, Adams

Manchester United :De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Sancho, Fernandes, Pogba; Greenwood

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close