Horudhac: Levante vs Real Madrid… (Xiddig muhiim ah oo muddo fog kaddib kusoo laabtay safka Los Blancos)

(Seville) 22 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ciyaarteeda labaad ee horyaalka La Liga kusoo ciyaareysa bannaanka garoonkeeda iyadoo weli uusan diyaar ahayn garoonka ay iska leedahay ee Santiago Bernabeu kaasoo bisha soo aaddan ay kusoo laaban karto.

Los Blancos oo ciyaartii hore 4-1 ku garaacday Deportivo Alaves ayaa caawa marti u ah naadiga Levante asbuuca labaad ee horyaalka dalka Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:

Levante ayaanan heli doonin adeegga Sergio Postigo, Alex Blesa, Dani Gomez iyo Soldado.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa dib u heshay Dani Carvajal oo safka ciyaartan lagu soo daray, balse waxaa kasii maqnaan doona Ferlan Mendy, Toni Kroos, Dani Ceballos iyo Luka Modric oo tababarkii Jimcaha ku dhaawacmay, halka Marcelo isna shaki la gelinayo.

Shaxd macquulka ah ee labada naadi:

Levante: Fernandez; Coke, Rober, Duarte; Son, Campana, Melero, Clerc; De Frutos, Marti, Morales

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Nacho, Militao, Alaba; Valverde, Casemiro, Isco; Bale, Benzema, Hazard

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close