Horudhac: Arsenal vs Chelsea … (Miyuu Martin Odegaard ciyaari doonaa kulanka London Derby?)

(London) 22 Agoosto 2021. Waxaa caawa maqribnimada xilliga Geeska Afrika bilaaban doonta ciyaarta loo yaqaano North-west London Derby marka ay iska hor imaadaan Arsenal iyo Chelsea.

Gunners ayaa difaac uga jirta inay guuldarreysato ciyaartii labaad oo xiriir ah furitaanka horyaalka Premier League iyadoo guuldarro kala kulantay Brentford kulankii hore, halka ay Blues guul ku furatay horyaalka iyadoo soo garaacday Crystal Palace.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa usoo laaban kara Arsenal ciyaartan, isagoo si buuxda uga soo kabsaday xanuunka Korona Fayras.

Balse taas baddelkeed, waxaanan wali tababarka bilaabin Alexandre Lacazette oo isna xanuunkan laga helay.

Willian oo isna Korona laga helay iyo Martin Odegaard oo aanan helin fiisaha iyo warqadda uu ku ciyaari lahaa ayaa seegaya ciyaartan.

Dhanka Chelsea, Romelu Lukaku ayaa ciyaartiisa ugu horreysa u ciyaari kara Blues tan iyo soo laabashadiisa, waxaase Korona awgii kulankan kaga maqnaan doona Christian Pulisic.

N’Golo Kante iyo Hakim Ziyech ayaa usoo laaban kara Chelsea kaddib markii ay tababarka ka qayb qaateen.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Arsenal ayaa garaaci karta Chelsea afar kulan oo xiriir ah dhammaan tartammada markii ugu horreysay tan iyo 2004.

Labadii guul ee is xigay ee ay Arsenal kaga gaartay dhiggeeda horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka horreeyay 17 kulan oo ay labo guul oo qura ay ka heshay ciyaartan.

Chelsea ayaa guul gaartay kaliya saddex kulan oo ka mid ah 14-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay dhammaan tartammada oo ay la ciyaartay Chelsea iyadoo gashay shan barbarro sidoo kalena la garaacay lix jeer waxaana ku jira saddex xiriir ah oo ugu dambeysay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:

Arsenal : Leno; Chambers, White, Mari, Tierney; Xhaka, Lokonga; Saka, Smith Rowe, Pepe; Martinelli

Chelsea: Mendy; Chalobah, Christensen, Rudiger; Azpilicueta, Jorginho, Kante, Alonso; Mount, Havertz; Lukaku

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close