RASMI: Kooxaha Real Madrid iyo Arsenal oo ka heshiiyay saxiixa Martin Ødegaard

(London) 20 Agoosto 2021. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah in ciyaaryahankeeda Martin Ødegaard uu si toos ah ugu biirayo kooxda Arsenal.

Bayaan ka soo baxay kooxda Real Madrid maanta oo Jimco ah ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan in Martin Ødegaard uu u dhaqaaqayo naadiga reer London ee Gunners.

“Kooxda Real Madrid waxay kala heshiisay Arsenal, heshiiska uu ugu wareegayo ciyaaryahan Martin Ødegaard.” ayuu u dhignaa warka ka soo baxay kooxda Los Blancos.

“Real Madrid waxay uga mahadcelineysaa Odegaard xirfaddiisa iyo dabeecaddiisa ku dayashada mudan intii uu joogay kooxda.”

“Sidoo kale, Real Madrid waxay dooneysaa inay u muujiso jaceylka oo dhan isaga iyo qoyskiisa, waxayna u rajeyneysaa inuu ku guuleysto marxaladda cusub.”

Dhankeeda kooxda Arsenal ayaa waxay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka, muuqaal hordhac ah oo ku saabsan heshiiska Martin Ødegaard.

Sida laga soo xigtay wararka ka imaanaya Ingiriiska, qiimaha heshiiska Ødegaard, ayaa wuxuu gaarayaa 30 million pounds.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close