Barcelona oo go’aan ka gaartay mustaqbalka Philippe Coutinho xilli si aad ah looga deyrinayo mustaqbalkiisa

(Barcelona) 19 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa weli rog rogeysa go’aannada xiddigaha mustaqbalkooda shakiga weyn la gelinayo isla markaasna loo badinayo in xagaagan la iibin doono, hase ahaatee, waxay baddeshay guud ahaan qorshaheedii ku aaddan Philippe Coutinho.

Barca ayaa dooratay inay laacibkan sii heysato sidoo kalena ay siiso fursad kale si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii wacnaa kaddib markii ay weysey koox si toos ah ugu soo dhiirrata inay iibsato.

Macallinka naadiga Barcelona ayaa ku faro adeegay inuu sii heysto laacibka reer Brazil isagoo ku hammi weyn inuu bandhig heer sare ah kusoo celiyo xiddigii hore ee Liverpool.

Coutinho ayaa Camp Nou kaga yimid jihada Red bishii January ee sanadkii 2018, hase ahaatee, ma uusan la imaan bandhiggii laga filayay xiddiga ugu qaalisan taariikhda naadiga Bluagrana.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close