Romelu Lukaku oo u sharaxay taageerayaasha kooxda Inter sababta uu ugu biiray Chelsea

(London) 15 Agoosto 2021. Romelu Lukaku ayaa dhambaal mahadnaq ah u diray taageerayaasha Inter kadib markii uu ku soo laabtay Chelsea, wuxuuna xaqiijiyay inuusan iloobi doonin khibradiisii ​​Nerazzurri.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku soo laabtay Blues 7 sano kaddib, kaliya laba xilli ciyaareed oo uu ka ciyaarayay funaanadda Nerazzurri ee horyaalka Talyaaniga, isaga oo ka caawiyay Inter inay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga markii ugu horreysay muddo 11 sano ah.

Weeraryahankii hore kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa fariin u diray taageerayaasha isagoo uga mahadceliyay taageerida ay u muujiyeen intii uu joogay Milan.

Romelu Lukaku ayaa ku soo qoray bogiisa Instagram –ka fariin uu ugu mahad celinayo taageerayaasha kooxda Inter Milan, wuxuuna yiri:

“Taageerayaasha qaaliga ah ee Inter Milan, waad ku mahadsan tihiin jacaylka aad ii qabtaan aniga oo idinka mid ah iyo inaad aniga iyo qoyskayga dareensiiseen sida inaan gurigeena joogo.”

“Xilli ciyaareedkii labaad, waan sii wadnay cadaadiska waxaanan u samaynay koox ahaan, waana sababta aan ugu guuleysanay horyaalka.”

“Waxaan rajeynayaa inaad fahanteen go’aankii aan ugu biiray Chelsea, sababtoo ah waxay ii tahay fursadii nolosheyda xilligan la joogo iyo xirfadeyda ciyaareed.”

“Hal shay waa hubaal, taas ayaana ah inaan weligey sii ahaan doono taageero Inter, sababtoo ah Inter la’aanteed ma noqon laheyn ciyaaryahanka aan maanta ahay, marka waxaan si hoose uga mahadcelinayaa qalbigeyga, Inter had iyo jeer ha noolaato.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close