Horudhac: Tottenham Hotspur vs Manchester City… (Inuu Harry Kane ciyaari karo, laba xiddig oo ka maqan Citizens & Xaqiiqooyinka kulankan)

(London) 15 Agoosto 2021. Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester City ayaa ku kulamaya maanta kulanka ugu miisaanka weyn ciyaaraha asbuuca koowaad ee horyaalka Premier League iyagoo ku hardami doona kulan ka dhici doono magaalada London ee caasimadda England.

Waxaa su’aal weyn ay ka taagan tahay inuu Harry Kane ciyaartan u dheeli doono naadigiisa Spurs xilli si aad ah loola xiriirinayo naadiga Man City oo uu caawa ka hor tagi karo, waxaana Macallin Nuno Espirito Santo uu sheegay inuu qiimeyn doono xaaladda jir ahaaneed iyo tan maskaxeed ee kabtanka xulka qaranka Harry Kane.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

Waxaa shaki weyn la gelinayaa taam ahaanshaha Kane kaasoo Jimcihii bilaabay tababarka kooxda Spurs, waxaa sidoo kale xiddigan mashquul maskaxeed uu ka heystaa mustaqbalkiisa kaddib markii uu kooxdiisa ka dalbaday in la iibiyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay.

Cristian Romero iyo Bryan Gil oo labaduba xagaagan kusoo biiray Tottenham ayaa ciyaari kara kulankoodii ugu horreeyay ee Premier League.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa weyneysa Phil Foden iyo Kevin De Bruyne oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen tartankii qarammada Yurub ee EURO 2020 oo ay kala mataleen xulalka England iyo Belgium.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Kaddib markii ay keliya saddex guul ka heshay 27-kii ugu horreeyay ee ay Premier League kula kulantay Tottenham, Manchester City ayaa adkaatay 13 ka mid ah 21-kii lasoo dhaafay.

Spurs ayaanan laga dhalin wax gool ah saddexdii guul ee ay City xiriirka kaga gaartay garoonka cusub ee Tottenham Hotspur Stadium dhamman tartammada, Macallinka City ee Pep Guardiola ayaana waligiis afar guuldarro oo xiriir ah kala kulmin hal naadi xirfaddiisa macalinnimo.

Tottenham Hotspur

Kulankani ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu Nuno Espirito Santo hoggaamiyo Tottenham ciyaaraha horyaalka Ingiriiska, Andreas Villas-Boas ayaana ah macallinka keliya ee kulankiisa ugu horreeya horyaalka isagoo horkacaya Spurs guul gaari waayay lixdii macallin ee ugu dambeysay xitaa macallimiintii ku meel gaarka ahayd.

Haddii uu ciyaartan safto Hugo Lloris, waxa uu barbarreyn doonaa rikoorka safashada ee Darren Anderton kaasoo haatan ah xiddiga kulammada ugu badan u saftay Tottenham horyaalka Premier League kaddib markii uu garoonka u galay 299 kulan.

Son Heung-min ayaa lix gool ka dhaliyay Manchester City dhammaan tartammada, waxaana ku jira dhammaan saddexdii ciyaarood ee ka dhacay garoonka caawa lagu madalsan yahay ee Tottenham Hotspur Stadium.

Manchester City

Markii ay Manchester City guuldarrada 2-0 ah kasoo qaadaneysay garoonka ciyaarta caawa ka dhaceyso 21-kii November waxay ku jirtay kaalinta 11-aad ee kal sarreynta horyaalka iyadoo siddeed dhibcood ka hooseysa Tottenham oo markaas hoggaamineysa Premier League, balse waxa uu xilli ciyaareedka dhammaaday iyadoo Man City ay lix boos iyo 24 dhibcood ka sarreyso Spurs.

City ayaa rikoor cusub u dhigi karta horyaalka Premier League asbuucii furitaanka haddii ay caawa guuleysato, waxayna noqon doontaa in markii 11-aad oo xiriir ah ay xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska ku furato guul iyadoo rikoorkaas ay haatan kala simman tahay Aston Villa oo guulo ku furatay horyaalka si xiriir ah intii u dhexeysay xilli ciyaareedyadii 1891-92 illaa 1900-01.

Macallin Pep Guardiola ayaa afar guuldarro kasoo gaartay Tottenham isagoo booqday, waxayna qayb ka tahay saddex naadi oo guuldarrooyinka ugu badan u saariyay waayihiisa macalinnimo, labada kalena waa Chelsea iyo Liverpool.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close