Halyeygii Germany iyo Bayen Munich ee Gerd Muller oo geeriyooda isagoo jira 75 sano

(Munich) 15 Agoosto 2021. Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Jarmalka Gerd Muller kaasoo loo arko mid ka mid ah weeraryahannadii ugu wanaagsanaa dunida kubadda cagta ayaa xulkiisa Jarmalkii Galbeed kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 1974 iyo tartankii Euro 1972.

Muller ayaa sidoo kale ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda Bayern Munich isagoo u dhaliyay 563 gool, waxaana sidoo kale xusid mudan inuu u ciyaaray 605 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah.

Geerida halyeygan ayaa waxaa xaqiijiyay kooxdiisii hore ee Bayern iyo qoyskiisa.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close