Guardiola oo kahor kulanka Tottenham ka hadlay wararka Manchester City la xiriirinaya Harry Kane

(Manchester) 13 Agoosto 2021. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalka weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane.

Manchester City ayaa la ciyaari doonto Axada soo socota kooxda Tottenham Hotspur, kulanka ay kaga daah furanayaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub 2021/2022.

Haddaba Guardiola oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Axada ee Tottenham ayaa waxaa wax laga weydiiyay wararka kooxdiisa la xiriirinaya Harry Kane, wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan su’aashan uga jawaabay shirkii jaraa’id ee hore, waa ciyaaryahan ka tirsan Tottenham, mana ka hadli doono isaga.”

Intaas kaddib Guardiola ayaa la weydiiyay haddii ay Man Cirty ku guuleysan karto weeraryahan la’aan sidii xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan haysannay laba weeraryahan (Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus), nasiib darro Sergio wuu dhaawacmay, mar walba marka uu taam noqdo wuxuu kooxda ka ciyaarayay kaalin muhiim ah.”

“Labaduba waxay ahaayeen kuwo ku habboon, mararka qaarkood waxaan u ciyaarnaa qaab ka duwan, laakiin ujeedadu waa mid ah in la xakameeyo ciyaarta, la dhaliyo sida ugu macquulsan, weeraryahan iyo weeraryahan la’aanba.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close