Ángel Di María oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu Lionel Messi ku biiray kooxda Paris Saint-Germain

(Paris) 13 Agoosto 2021. Ciyaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Ángel Di María ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in xiddiga ay isku wadanka yihiin ee Lionel Messi uu ku biiro PSG.

Lionel Messi ayaa dhameystiray heshiiska uu ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain maalmo kahor, kaddib markii uu beeca xurta ah kaga soo dhaqaaqay naadiga Barcelona.

Haddaba wargeyska “Sport” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Ángel Di María, kaasoo uu kaga hadlay dareenkiisa ku aadan imaatinka Messi ee kooxda PSG, wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, riyooyinkeyga oo dhan waxay rumoobeen bil gudaheed.”

“Tani waa waxa aan mar walba doonayay, weli ma aaminsani, maanta waxay ahayd tababarkii ugu horreeyay, tanina waa wax aniga ii gaar ah.” Ayuu yiri Ángel Di María.

Yeelkeeda, Lionel Messi ayaa Barcelona isaga tagay xagaagan kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisa, waxaana uu si xor ah ugu biiray naadiga PSG.

Kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa heshiis labo sano ah oo uu sanadkiiba ku qaadan doono 35 milyan oo euro siisay Kabtanka xulka qaranka Argentina, iyadoo sidoo kale qandaraaskaas lagu kordhin karo hal sano oo dheeraad ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close