RASMI: Kooxda Real Madrid oo soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2021/22… + SAWIRRO

(Madrid) 05 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doono marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2021-22.

Maaliyaddaan oo ay kooxda reer Spain ku dheeli doonto marka ay ku ciyaarayso garoommada kooxaha kale xilli ciyaareedka cusub ama meel ka baxsan garoonkeeda ayaa midabkeedu yahay guud ahaan Buluug madow xigeen ah oo lagu daray aaradda qeybta hoose, kuleetiga iyo garbaha oo ay ku leedahay diilimo midabkoodu huruud yahay.

Waxaa maaliyaddaan shafka kaga qoran magaca shirkadda Emirates oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Adidas oo ah tan farsameysay maaliyaddan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close