Xulalka Brazil iyo Spain oo isku wajihi doona Final-ka kubadda cagta ee Olimbikada Adduunka… (Goormee ayaa la ciyaari doonaa?)

(Tokiyo) 04 Agoosto 2021. Waxaa la shaaciyey in xulka qaranka Spain uu wajihi doono dhiggiida Brazil final-ka kubadda cagta ee ciyaaraha Olimbikada Adduunka.

Labadan xul ayaa kulammadii ay ciyaareen afar dhammaadka ama Semi-finalka waxaa lagu qasbay inay ciyaaraan waqti dheeri ah (extra-time).

Japan ayaa waqti dheeri ah la aaday Spain kulankoodii afar dhammaadka, laakiin La Roja ayaa 1-0 ku soo dhaaftay, waxaana ay jaratay tikidhkeeda Final-ka Olimbikada.

Marco Asensio ayaa dhaliyey goolka qura oo ay ku adkaadeen Spain waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta, waxaana ay Final-ka kula ciyaari doonaan Brazil garoonka the International Yokohama Stadium kaddib markii Selecao iyaguna ay rigooreyaal kaga soo gudbeen Mexico.

Xulka Brazil ayaa barbaro goolal la’aan ah la dhaafi waayey Mexico kaddib 120 daqiiqo oo ay wada ciyaareen laakiin waxa ay ugu dambeyntii uga adkaadeen gool ku laadyo 4-1 ah.

Labada xul ee Spain iyo Brazil ayaa final-ka Olimbikada wada ciyaari doona sida la qorsheeyey Sabtida.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close