Xiddig ka tirsan Kooxda Manchester City oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka Spain

(Manchester) 04 Agoosto 2021. Xiddig ka tirsan Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa doonaya inuu dib ugu laabto dalka Spain.

Aymeric Laporte ayaa la warinayaa inuu doonayo inuu isaga tago Premier League oo uu dib ugu laabto dalka Spain.

Shabakadda 90min ayaa warinaysa in Aymeric Laporte uu si adag u doonayo inuu ka tago Kooxda Manchester City isla markaana uu dib ugu laabto Waddankiisa Spain.

Aymeric Laporte: FIFA approves Manchester City defender's switch to Spain  from France | Football News | Sky Sports

Daafacan dhexe ayaa kaliya xiiseynaya inuu ku laabto horyaalka La Liga, halkaasoo uu ka soo ciyaaray isagoo ka tirsanaa Kooxda Athletic ka hor inta uusan u dhaqaaqin garoonka Etihad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close