RASMI: Louis van Gaal oo markii saddexaad loo magacaabay Tababaraha xulka qaranka Netherlands

(Amsterdam) 04 Agoosto 2021. Tababarihii hore ee Kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich ayaa loo magacaabay Tababaraha xulka qaranka Holland, waxaana la filayaa inuu xulka Orange hoggaamin doono Koobka Adduunka ee 2022.

Louis van Gaal ayaa markii saddexaad loo magacaabay Tababaraha cusub ee xulka qaranka Netherlands, waxaana uu beddelay Macallin Frank de Boer oo ka tagay xulka bishii June.

De Boer ayaa iska casilay booska xulka Netherlands kaddib markii Czech Republic uu ku reebay wareeggii 16-ka Koobka qarammada Yurub, xiriirka kubadda cagta Holland ayaana hadda magacaabay markale Louis van Gaal.

Markii la magacaabay kaddib Van Gaal ayaa sheegay inay sharaf u tahay inuu tababare u noqdo xulka qaranka Holland.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close