RASMI: Alisson Becker oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxda Liverpool

(Liverpool) 04 Agoosto 2021. Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay kordhisay qandaraaska goolhayaheeda reer Brazil ee Alisson Becker, kaasoo ku sii heyn doono kooxda ilaa iyo xagaaga 2027.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu tilmaamay in Alisson Becker uu ogolaaday shuruudaha shaqsiga ah ee qandaraaskiisa cusub, taasoo ka dhigi doonta mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qaalisan kooxda.

Wadahadalada wakiilada ciyaaryahanka ayaa gaaray heer sare xagaagan, sidaas darteed Alisson ayaa saxiixay qandaraaska kaddib fasaxii yaraa ee uu qaatay, maadaama uu kala qeyb galay xulkiisa Copa America.

Macalinka Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa u arka goolhayihiisa Alisson Becker, mid muhiim u ah kooxda, maadaama uu rajaynayo inuu qandaraasyada u kordhiyo dhammaan xiddigaha ugu muhiimsan Reds.

Liverpool ayaa horay u cusbooneysiisay qandaraasyada Trent Alexander-Arnold iyo Fabinho, waxaana laga yaabaa inay raacaan wadadaan Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Sadio Mane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close