Mustaqbalka Kylian Mbappe ee Kooxda PSG oo weli shaki ku jira… (Maxaa soo kordhay haatan?)

(Paris) 04 Agoosto 2021. Sida wararku ay sheegayaan Mustaqbalka Kylian Mbappe ee Kooxda PSG ayaa weli uu shaki ku jiraa, iyadoo warbixin cusub ay ka soo baxday xaaladdiisa.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Kylian Mbappe uusan weli hubin inuu doonayo inuu sii joogo Paris Saint-Germain, inkastoo kooxda ka dhisan Faransiiska ay dadaal ugu jirto inay sii haysato.

Kylian Mbappe oo bartilmaameed u ah Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka maqnaa kulankii kooxdiisa Axaddii ay ciyaartay Trophee des Champions.

Sidoo kale waxaa shaki laga galinayaa xiddiga xulka qaranka Faransiiska inuu ciyaari doono todobaadka soo socda kulanka furitaanka horyaalka Ligue 1 oo ay kooxdiisu la leedahay Troyes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close