Gary Neville oo uga digay Harry Kane mustaqbalkiisa kooxda Tottenham Hotspur

(London) 04 Agoosto 2021. Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa uga digay, kabtanka iyo weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane, mustaqbalkiisa Spurs.

28 jirkaan ayaa weli ku adkeysanaya inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester City xagaagan, kaddib markii uu go’aansaday inuusan aadin tababarka kooxda London labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Gary Neville ayaa u sheegay shabakada “Sky Sports” ee dalka England, mar uu ka hadlayay mustaqbalka Gary Neville:

“Haddii Harry Kane loo malaynayo inuu aado tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Tottenham, waa inuu soo laabtaa.”

“Marna ma difaaci kartid ciyaaryahan kasta oo aan xaadirin tababarka, waa sida ugu fudud, waa inaad timaadaa oo aad shaqadaada qabsataa.”

“Waxaan la shaqeeyay Harry, wax walba si sax ah ayuu u sameynayaa, sidaas darteed waa inuu noqdaa mid aad u walwalsan, wax xun baa dhacay oo isaga ka dhigtay inuu sidaas sameeyo.”

“Wali waa inuu ka qaybqaataa tababarka, oo aad ixtiraamtaa saaxiibadaada kooxda, wali waa inaad tagtaa oo aad la joogtaa islamarkaana la fadhiisataa qolka labiska, laakiin hadda way iska cadahay inuu jiro isku dhac.”

“Harry Kane wuxuu wajahay Daniel Levy, dad badani sidaas ma sameeyaan, dad badana kama soo baxaan xaaladdaas iyaga oo guuleystay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close