RASMI: Fabinho oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Liverpool… (Imise sano ayuu saxiixay?)

(Liverpool) 03 Agoosto 2021. Kooxda reer England ee Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay cusboonaysiisay qandaraaska laacibkeeda reer Brazil ee Fabinho.

Liverpool ayaa 27 jirka reer Brazil ee Fabinho kala soo wareegtay xagaagii 2018, kooxda reer France ee Monaco, waxayna kula soo wareegtay 45 million euros.

Fabinho ayaa tan iyo markaas noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan macallinka reer Jarmal ee Jürgen Klopp, maadaama uu Reds ka caawiyay hanashada horyaalka Premier League iyo Champions League sannadihii la soo dhaafay.

Website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool ayaa lagu sheegay in heshiiska cusub uu saxiixay laacibkeeda reer Brazil ee Fabinho uu soconayo ilaa iyo xagaaga 2026.

Fabinho ayaa hadlay ka dib markii uu cusbooneysiiyay qandaraaskiisa Liverpool, wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan qandaraas cusub u saxiixo kooxda, tan iyo bilowgii wadahadalada aad ayaan ugu qanacsanahay, sababtoo ah taasi waa waxa aan doonayay.”

“Waxaan doonayay inaan la sii joogo kooxdan, isla markaana aan sii wado inaan ku ciyaaro maaliyadeeda, haddana waa rasmi, runtiina waan faraxsanahay.”

“Saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, aad ayaan u farxay, wax badan ayaan ka bartay Jurgen Klopp, shaqaalaha iyo asxaabtayda, si wadajir ahna waxaan u gaarnay waxyaabo wanaagsan.”

“Aniga ahaanna waxaan u malaynayaa in tani ay tahay meesha ugu fiican ee lagu sii wadi karo kobcinta, wax ka barashada qof walba, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno inaan gaarno waxa aan doonayo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close