Macallin Jose Mourinho oo awoodi waayay inuu Arsenal ku qanciyo inay ka iibiso Granit Xhaka & Laacibka uu beddelkiisa u dhaqaaqayo oo la ogaaday

(Rome) 03 Agoosto 2021. Macallin Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa inuu awoodi kari waayey inuu Arsenal ku qanciyo inay kooxdiisa cusub ee Roma ka iibiso ciyaaryahan Granit Xhaka.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka oo sheekadaan baahiyey ayaa sheegay in Mourinho markii uu ku guuldarreystay inuu Gunners ka helo Xhaka uu u dhaqaaqayo dooqiisa labaad ee khadka dhexe, Delaney.

Macallin Jose Mourinho ayaa awoodi waayay inuu Arsenal ku qanciyo inay Granit Xhaka ka iibiso kooxdiisa cusub ee Roma, wuxuuna hadda uu u weecan doonaa xiddiga reer Denmark iyo Kooxda Borussia Dortmund ee Thomas Delaney, sida laga soo xigtay warinayso Bild.

José Mourinho quiere a Thomas Delaney en la AS Roma - Mi Bundesliga -  Futbol alemán, en español

Delaney ayaa sida Xhaka oo kale wacdaro ka dhigay tartanka Euro 2020, wuxuuna Jose Mourinho uu aaminsan yahay in kooxdiisa ka ciyaarta horyaalka Serie A uu wax badan ku soo kordhin karo xiddigan khadka dhexe ee Delaney.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close