Liverpool, Chelsea mise Barcelona, waa tee Kooxda iminka ugu cad-cad inay la wareegto Ciyaaryahan Saul Niguez?

(Madrid) 03 Agoosto 2021. Kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub sida Liverpool, Chelsea, Man United, Barcelona iyo kuwo kale ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya saxiixa ciyaaryahan Saul Niguez, laakiin waxaa la isweydiinayaa Naadigee ugu cad-cad haatan inuu la wareego?.

Inkastoo ay jirto dhibaato dhaqaale oo haysata Kooxda reer Catalan, hadda xiddiga Naadiga Atletico Madrid ee Saul Niguez ayaa sida muuqata weli bartilmaameed u ah.

Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warinaysa in Kooxda kubadda cagta Barcelona ay ugu cad-caddahay haatan saxiixa Saul Niguez.

Barcelona ayaa ugu cad -cad saxiixa xiddiga Atletico Madrid ee Saul Niguez, sida ay qortay Jariiradda AS, inkastoo heshiiska isdhaafsiga ah ee Antoine Griezmann uu u muuqdo mid meesha ka baxay.

Barcelona news: Barca plot £100m Saul Niguez bid as transfer ban RUINS  Chelsea plan | Football | Sport | Express.co.uk

Si kastaba ha noqotee Kooxaha reer England ee Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ayaa sidoo kale la sheegay inay ku raad-joogaan Saul Niguez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close