Kooxda PSG oo markaan indhaha ku haysa Kalidou Koulibaly… (Miyey ka garab ciyaarsiin doontaa Sergio Ramos?)

(Paris) 03 Agoosto 2021. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa la soo warinayaa inay markaan indhaha ku hayso Kalidou Koulibaly oo ay doonayso in Ramos iyo isaga ay ku mideyso daafaceeda dhexe.

Warsidaha Le 10 Sport ayaa warinaya in Paris Saint-Germain ay indhaha ku hayso daafaca Kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Agaasimaha isboortiga ee kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princes ee Leonardo ayaa doonaya in 30-sano jirkaan uu Sergio Ramos ka garab ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Kooxo kale oo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ku jirto Manchester United ayaa la la xiriiriyay Koulibaly, laakiin PSG ayaa rajeynaysa inay ku guuleysato loollanka loogu jiro saxiixiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close