RASMI: Giorgio Chiellini oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Juventus… (Imise sano ayuu saxiixay?)

(Turin) 02 Agoosto 2021. Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay qandaraaska u kordhisay kabtanka kooxda ee Giorgio Chiellini.

Giorgio Chiellini ayaa heshiiska uu ku joogay kooxda kubadda cagta Juventus wuxuu dhacay bishii June ee la soo dhaafay.

Sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee naadiga Bianconeri, Giorgio Chiellini ayaa saxiixay heshiis soconaya ilaa iyo xagaaga 2023.

Ku guuleystaha koobka Qaramada Yurub ee Euro 2020 ayaa waxaa la filayaa inuu maalmaha soo socda bilaabi doono isu diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Dhankooda website-ka “Football Italia” ayaa lagu sheegay in maamulka Juventus uu go’aansaday in Chiellini la siiyo mushaar sanadle ah oo dhan 2.5 million euros kaddib marka uu saxiixay qandaraaska cusub.

Giorgio Chiellini ayaa Juventus u ciyaaray 535 kulan oo rasmi ah tartamo kala duwan, wuxuuna u dhaliyay 36 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close